AI recap
Hadaa ku wareertay AI iyo hype-ka socdo, hal mar aan gadaal ka soo bilowno si aan u fahamno isbadalka xawliga ah ee dhacay sanadihii la soo dhaafay.
2022 – The “Aha!” Moment
Qarnigaan AI horumarka ugu weyn ee laga gaaray waxaa dhihi karnaa sanadkii 2022, ee aheyd markii shirkad (xilligaas yareyd) oo la dhaho OpenAI ay sii daysay GPT-3.5 (ChatGPT).
ChatGPT wuxuu 100 Milyan oo users helay muddo laba bilood gudahood ah, waana app-kii ugu kobac badnaa taariikhda intarnet-ka. Dadkii dhana wey la yaabeen awoodiisa, sababtoo ah 2022 ka hor marka AI la maqlo dadka waxaa maskaxdooda ku soo dhici jiray “Robot” uun, badanaana AI ma soo dhaafi jirin research labs-ka.
2023 – Multimodals iyo AI Agents
Waxaa bilaawday in AI uusan qoraal bas generate gareenin, balse in uu hadda sawirro iyo videos sameyn karo (Multimodal).
Kadib waxaa xigay in AI uusan u baahnayn in aad adiga maanta dhan amartid. Hal mar ayaad shaqo u direysaa, asiga ayaana shaqada plan gareysanaya. Tasks ayuu isku dirayaa, ilaa uu ka xaliyo loop-kaas uu ku jiro (AI Agents).
Xusid Mudan (Somalia & AI): Ka hor 2023, ChatGPT Somalia laguma isticmaali karin. OpenAI ayaa policy-gooda wax ka badalay oo wadamada qaar u ogolaaday, Somaliana wey ku soo dartay. Waxaana kaalin fiican ka qaatay u dooda xuquuqdaas Munira – Halkaan ka eeg qoraalkeeda (Thanks Munira!).
2024 – The Era of Reasoning
Horey, LLMs (Large Language Models) marka su’aal la weydiiyo waxey kaliya predict gareenayeen ereyga xiga (next token prediction), and then jawaabta ayay toos kuugu soo celinayeen.
Sanadkaan waxaa isbadalay ciyaarta markii la soo saaray OpenAI o1, oo noqday model-kii ugu horeeyay ee Reasoning (Fikir qoto dheer) lahaay. Instead of in model-ka jawaabta toos kuugu soo celiyo, wuxuu is-weydiinayaa in ay saxantahay iyo in kale (Chain of Thought). Kadib wuu ku noqonayaa ilaa uu is dhaho, “Jawaabta saxda ah waa tan.” Hada, by default, model walbo oo cusub reasoning wuu leeyahay.
2025 – The Year of “Vibe Coding”
Sanadkaan wuxuu ahaa waali. Bilawga sanadka, shirkad yar oo Chinese ah oo la dhaho DeepSeek ayaa sii daysay model la dhaho DeepSeek R1. Kadib dhacdadaas, US tech stock suuqooda wuxuu hoos u dhacay $1 Trillion hal maalin gudaheed, layaab iyo cabsi suuqa soo wajahday darteed.
Qof walbo oo AI ka shakinsanaa inuu code qori karo (I mean, quality code), 2025 wuu ka shaki baxay. Shirkadaha AI models-ka sameeya waxey isku dayayeen in ay developers-ka hantaan, waxeyna sameeyeen tools badan oo u badan CLI (Command Line Interface) tools, sida:
- Claude Code
- Codex
- Gemini CLI
Sanadkaan waa sanad taariikhi ah, gaar ahaan aduunka programming-ka iyo Agentic Coding-ka (Adiga oo code-ka vibe iyo tilmaamo kaliya ku bixinaya, AI-guna uu shaqada inteeda kale qabanayo).